Macluumaad Nagu Saabsan

Sanadkii 2006, Baarlamaan Gobalka Washington ayaa ansixiyay Sharciga Baarlamaanka oo tirsigiisu yahay 3127 kaasoo lagu aasaasaayay Office of the Education Ombuds (OEO, Xafiiska Lataliyaha Waxbarashada) si loo yareeyo daldaloolka kajira dhanka fursadaha ayadoo taageero lasiinaayo qoysaska, ardayda, macalimiinta, iyo bulshooyinka lagana taageeraayo fahmida hanaanka waxbarashada dawlada ee fasalada K-12 iyo xalinta walaacyada jira si wadajir ah. Baarlamaanku wuxuu shaqadeena uwakiishay Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka si loo xaqiijiyo madax banaanideena aan  kamadax banaanahay hanaanka waxbarashada dawlada.

OEO wuxuu aaminsan yahay muhiimada shaqada lataliyaha waxbarashada: cadaalada, madax banaanida, kalsoonida, iyo daganaanshaha. Waxaan iskukeenaa dugsiyada, qoysaska, iyo bulshooyinka si ay qaab wadajir ugu xaliyaan caqabadaha jira. Awood uma lihin inaan baarno dugsiyada iyo degmooyinka.  Masoo aruurino macluumaad ama magaarno go'aano mana fulino wax sharciyo ama xeerar ah.

Waxaan haysanaa ilo kooban waxaan muhiimada saarnaa taageeradeena tooska ah ee Talobixinta ku aadan arimaha kujira qorshaheena istaraatiijiga ah halkaasoo aan saamayn wanaagsan kureebi karno anagoo ah caqabad xaliyaal wadajira oo qayb ka ah khibrada ardayda. OEO wuxuu kashaqeeyaa gobalka oo dhan asagoo leh shaqaale yar oo kayar 7 qof oo maalintii oo dhan shaqeeya.

Waxaan gacan uga gaysanaa kor uqaadista sinaanta waxbarashada sadex qaab:

  1. Inaan bixino macluumaad iyo xalinta caqabadaha oo rasmi ah, muhiim ah, oo wada shaqayn leh oo aan siinayno qoysaska, macalimiinta, iyo khubarada bulshada si ay utaageeraan ardayda dhigta dugsiyada dawlada ee Gobalka Washington ee fasalada K-12
     
  2. Inaan siino tababaro bilaash ah iyo iskuxir laxariira mawduucyo kaladuwan si loo hormariyo sinaanta dhanka waxbarashada ee waxbarashada dawlada ee fasalada K-12
     
  3. Waxaan iskaashi lasamaynaynaa xildhibaanada si aan udaboolno daldaloolada kajira dhanka fursadaha