Taageerooyinka Ardayda Naafada ah

Taageerooyinka Ardayda Naafada ah

Ardayda naafooyinka ah ayaa dhigta dugsiyada deegaan kasta.   Inta aan nool nahay, ku dhawaad 20% naga mid ah, ama 1 kamid ah 5 tii qof ba, waxaa ku dhici doona nooc kamid ah naafada.

Dhammaan ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay si lamid ah ardayda kale helaan waxbarasho, ayna xor ka ahaadaan takoorka. Ayadoo ku xiran nooca naafada ardayga iyo saamaynta ay ku leedahay waxbarashada, dugsiga ayaa u baahan kara inuu siiyo caawimaadaha goobta, hawl fududayn, cashar si gaar ah loo sameeyay, ama taageerooyin kale si ardaygu u helo dugsiga uuna uga qaybgalo si lamid ah ardayda kale.

  • Ardayda naafada ah ee u baahan nooc kamid ah casharada gaarka ah ayaa heli kara "Waxbarashada Gaarka ah" oo lagu baxsho qorshaha "IEP" ama Individualized Education Program (Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah).
  • Ardayda naafada ah ee u baahan caawimaadaha gaarka ah ayaa lahaan kara "Section 504 Plan (Qorshaha Qaybta 504)." 

Haddii aad aaminsan tahay in arday uu qabi karo naafo ama u baahan yahay caawimaado ama cashar gaar ah waxaad codsan kartaa in degmo dugsiyeedku ay samayso qiimayn.

Xog badan oo ku saabsan IEP da, qorsheyaasha Qaybta 504, qiimaynada iyo difaacyada ardayda naafada ah ka baro halkaan:

Find additional resources here:

Supports at School

Disability Identity

Accessibility